Himilo – Rudy Gybels oo ah 45 jir u dhashay Belgium-ka ayaa sheeganaya in uu keliya bataati la shiilay cunayay habeen kasta muddo 32 sanno ah.
Ninkan oo deggan Schaffen oo katirsan gobalka Flemish Brabant ayaa casho ka dhiganayay bataatiga tan iyo da’diisa 13-ka sanno markaasi oo uu la qabsaday.
Wakhtiyada kale , waxa uu qaadan jiray cuntada kale laakiin marka la joogo cashada, bataatiga shiilan ayaa ahaa dooqiisa koowaad.
Muddada 32-ka sanno, waxa uu qiyaasay in uu qaatay ku dhawaad 11,680 baakad buuxda oo bataati ah sida laga soo xigtay warbaahinta Belgium-ka.
“ Dadka qaar waxay u baahan yihiin koob shaah maalintii, laakiin aniga waxaan u baahanahay bataatigeyga maalin walba,” ayuu yiri Rudy oo kaftamaya.
Inkasta oo uu jecel yahay cuntada fudud haddana miisaanka Rudy ayaa ah 70 kiilo isaga oo tilmaamay in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay.