Yaa u sharraxan rikoorka qofka ugu da’da weyn caalamka?

Himilo – Bob Weighton oo 111 jir ah ayaa la filayaa in uu noqdo qofka ugu da’da weyn caalamka sida laga soo xigtay hay’adda Guinness World Records.

Afhayeen u hadlay hay’adda diiwaan gelisa rikoorada ayaa sheegay in Weighton la guddoonsiin doono shahaado caddeynaysa in uu yahay qofka ugu da’da weyn dunida kaddib markii uu dhintay Chitetsu Watanabe oo ahaa ninka heystay rikoorkan caalamiga ah.

Bob Weighton oo u dhashay Ingiriiska ayaa xusay in uusan ku fekerin in uu codsado rikoorkan islamarkaana uusan ku bixin dadaal. Goor sii horreysay, 111 jirka ayaa noqday qofka ugu da’da weyn dalka Ingiriiska.

“ Wax dadaal ah kuma aanan bixin in aan soo gaaro da’dan, waxaan isku arkaa qof kamid ah dadka farraxsan,” ayuu yiri Bob Weighton.

Dhowr maalin kahor ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay Chitetsu Watanabe oo ahaa ninka ugu da’da weyn caalamka.

Ninka reer Jabaan ayaa la filayay in uu noqdo 113 jir marka la gaaro bishan Maarso, waxaana la guddoonsiiyay shahaado caddeynaysa in uu jiro 112 sanno iyo 344 maalin.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan