Himilo – Khadkii dhexe ee Chelsea Craig Burley ayaa ku booriyay Arsenal saxiixa weeraryahanka Wolverhampton Wanderers Raul Jimenez si uu beddal ugu noqdo Alexandre Lacazette.
Jimenez ayaa sameeyay bandhig wanaagsan labada xili cayaareed ee uu la joogo Wolves isaga oo dhaliyay 13 gool.
Cayaaryahanka reer Maksiko ayaa noqday bartilmaameedka kooxda Manchester United bishii Janaayo balse Burley ayaa aaminsan in Arsenal u dhaqaaqdo laacibka sabab la xiriirta walaac ku saabsan mustaqbalka Lacazette.
“Waan hubaa in uu Arteta heysto go’aanno kale balse ninkan ma aha nin fudud,” ayuu yiri Craig Burley.
Lacazette ayaa dhowr jeer oo hore shaaciyay in uusan riixeyn ka tegista Arsenal dhammaadka xilli cayaareedkan.