Home / Cayaaro / Arsenal oo loo tiirinayo saxiixa weeraryahan katirsan Real Madrid

Arsenal oo loo tiirinayo saxiixa weeraryahan katirsan Real Madrid

Himilo – Arsenal ayaa la soo warinayaa inay dooneyso saxiixa weeraryahanka Real Madrid James Rodriguez xagaaga.

Cayaaryahanka reer Colombia ayaa la filayaa in uu ka tago Bernabeu kahor ol-olaha 2020-2021 isaga oo ku dhibtooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda tan iyo markii uu ammaah kaga soo laabtay Bayern Munich.

Kooxo badan oo ay ku jiraan Everton iyo Wolverhampton Wanderers ayaa si weyn loola xiriiriyay 28 jirka oo dhaliyay keliya gool islamarkaana caawiyay labo kale 13 kulan oo uu u saftay Real Madrid xilli cayaareedkan. Arsenal ayaa sidoo kale lala xiriiriyay laacibka.

Sida laga soo xigtay Marca, horyaalka Ingiriiska ayaa ah dooqa koowaad ee cayaaryahanka Koonfurta Ameerika iyada oo Arsenal dooneyso inay xaqiijiso saxiixiisa.

Qandaraaska weeraryahanka ee Bernabeu ayaa dhacaya 2021-ka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan