Himilo – Wakiilka cayaaryahanka Jack Grealish ayaa ku adkeystay in laacibka khadka dhexe uu diiradda saarayo in uu Aston villa ka caawiyo in aysan dib ugu laaban horyaalka Ingiriiska isaga oo beeniyay in uu wadahadallo kula jiro Man United.
24 jirka ayaa la rumeysan yahay in uu bartilmaameed u yahay Manchester United suuq furanka xagaaga kaddib markii uu bandhig wanaagsan sameeyay xilli cayaareedkan.
“ Jack waa kabtanka Aston Villa, mudnaantiisa koowaad ee hadda waa in uu xaqiijiyo in kooxda aysan dib u laaba,” ayuu yiri Barnett.
Grealish ayaa dhaliyay toddobo gool isaga oo caawiyay lix kale 28 kulan.