Himilo – Manchester City ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa cayaaryahanka kooxda Valencia Ferran Torres xagaaga.
City ayaa galeysa suuqa kaddib markii laga qaaday xannibaadii labada sanno ee koobka Yurub, taasi oo sidoo kale xoojineysa niyadda cayaaryahannada.
Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya in uu xoojiyo safka koowaad ee kooxdiisa iyada Man City isu diyaarineyso tartanka horyaalka xiga.
Marca ayaa soo warineysa in Torres uu kamid yahay cayaaryahannada liiska ugu jira Pep Guardiola xilli qandaraaska 20 jirka uu dhacayo xagaaga soo socda.
Torres ayaa dhaliyay lix gool isaga oo sameeyay toddobo caawin 42 kulan oo ah dhammaan tartamada xilli cayaareedkan.