Twitter oo soo koobtay farriimaha aad akhrin karto maalinkii

Ninka Iska leh barta xiriirka Bulshada ee Twitter Elon Musk, ayaa shaaciyay go’aanno cusub oo saameynaya dadka adeegsada bartan Bulshada ee caanka ah.

Elon Musk, ayaa sheegay in Dadka leh calaamadda Buluugga ee rasmiga ah ay xaq u leeyihiin in ay maalinkii akhriyaan ilaa 10,000 oo farriin ama posts halka dadka leh akoonnada Twitter ee aan rasmiga ahayn kaliya loo oggolyahay 1000 farriin ama post in ay maalinkii akhrin karaan.

Go’aankan oo dhaqan galay Jimcihii ayaa durbadiiba waxaa Sabtidii cabasho gudbiyay 7,500 oo qof oo sheegay in ay adeegsan la’yihiin bartooda Twitterka.

In ka badan  200m oo qof ayaa adeegsada Twitteterka,waxaana durba billaabatay ololaha ka dhanka ah damaca Musk iyada oo isla Twitter loo adeegsanayo ololaha diidmada maya.

Wuu sheegay in sidoo kale dadka calaamadda buluugga ah leh loo oggolaan doono 6000 oo farriin in ay akhrin karaan halka kuwo aan calaammadda rasmiga ah lahayna lagu soo koobayo 600 oo farriin kaliya laakiin markii dambe ayuu sheegay in uu kala gaarsiiyay 10000 iyo 6000 waliba si ku meel gaar ah.

Sidoo kale dadka ku cusub Twitter ayaa iyana maalinkii loo oggolyahay kaliya 300 oo farriin in ay akhrin karaan sida ku cad go’aanka ka soo baxay Milkiilaha Twitter.

Ninkan ayaa sanadkii hore Twitter ku iibsaday Adduun lacageed oo gaaraya $44Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaa uu dhowr jeer shaqaaqado ka dhex abuuray Twitter kaddib markii uu isla sanadkii hore amray in dadka calaamadda buluugga ah heysta ay bishii iska bixiyaan sideed dollar.

 

 

error: Copy lama Ogola Fadlan