Barashada Xirfadaha gacanta oo fursad shaqo u noqotay dhalinta waxbaratay.

Himilo – Masiibooyinka adduunka la isku dhiibo waxaa ka mid ah saboolnimada. Shaqo la’aantu waa cunsurka falkiya saboolnimada iyo amni darada, waa sababaha ugu badan ee habsaamiyey jihadiina ka lumiyey umadaha ku nool dunida seddexaad.

Horumarka dowladnimada iyo waxbarashada dunida saddexaad waxaa hoos ud higay koboc la’aanta dhaqaalaha, dhaqaaluhuna wuxuu ka yimaadaa shaqayn joogto ah.

Jaamacadaha dalka iyo kuwa dibadda waxaa sanad kasta kasoo baxa da’yar badan oo aqoonyahan ah, kuwaas oo markii ay kasoo baxaan waxbarashada ay soo wajahdo shaqo la’aan daran.

Dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya waxay u arkaan in arrintaan ay sabab u tahay shaqo la’aanta waddanka oo kasoo kabanaya colaado iyo dowladda oo aan haysan dhaqaale shaqooyin badan lagu abuuro.

Laakiin waxaa jira dhallinyarada aan badneyn oo shaqo abuur samaystay markii ay jaamacadihii ka soo qalin jabiyeen si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda

Dhallinyarada waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cilmi  oo madax u ah koox dhallinyaro ah oo ka shaqeysta xirfada alxanka.

Wuxuu shaqadan billaabay markii uu dhameeyay wax barashada heerka kowaad ee jaamacada. Wuxuu waayay shaqo u dhiganta shaqaadaha uu wato. Ugu danbayn wuxuu doorbiday in uu ku shaqeysto xirfadan, wuxuu soo saaraa agabyo kala duwan sida qalabka jirdhiska.

Cabdullaahi oo aan kula kulanay goobtiisa shaqo waxaa warbixintan ka diyaarinay weriye Cabdicasiis Rabaani.

 

Halkan ka daawo

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/691226402882123

 

 

 

 

 

error: Copy lama Ogola Fadlan