Arsenal oo dardar kula soo laabatay Champions League.

Himilo – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa natiijo weyn ka heshay kulankoodii ugu horeeye tartanka Champions League oo ay ka maqnayd muddo lix sannadood ah, waxaanay 4-0 ku garaaceen PSV Eindhoven oo Emirates Stadium marti ugu ahayd .

Gunners ayaa bilowgii ciyaartaba u muuqatay inay natiijada meel saaratay xilli ay maanka ku hayso kooxda PSV oo  xilli-ciyaareedkii hore Europa League oo ay ku kulmeen wadarta goolasha kaga reebtay.

Daqiiqaddii siddeedaad ee ciyaarta ayuu Bukayo Saka furay gool-dhalinta ciyaarta, kaddib uu ku celiyey kubbad uu soo tufay goolhayaha PSV, waxaanu goolkaasi niyad fiican siiyey ciyaartoyda Arsenal oo rumaystay inay xilli horeba ka takhalusi karayaan kooxda reer Netherlands ee martida u ah.

Leandro Trossard ayaa hoggaanka usii dheereeyey Arsenal daqiiqadda 20aad ee ciyaarta ka hor intii aanu Gabriel Jesus kubbad qurux badan oo gantaal ahayd ku suuxinin ciyaartoyda PSV ee is-bidayay inay soo laaban karayaan.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay Arsenal oo leh 3-0, hase yeeshee iska lumisay fursado badan oo ay kusii dheeraysan karayeen ciyaarta iyadoo kubbado goolal caddaan ah noqon karayay ay lumiyeen Jesus, Saka, Trossard iyo Kai Havertz.

Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard ayaa saxeexay goolka afraad ee quusta ka dhigay PSV xilli ay 20 daqiiqadood ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta.

Mikel Arteta oo inta badan iska raacaysanayay, ayaa u dhaqmay sidii ay kooxdiisu ciyaar saaxiibtinimo dheelayso qaybtii dambe, waxaana uu sameeyey shan beddel maadaama aanay PSV lahayn awood ay kaga daba timaaddo.

error: Copy lama Ogola Fadlan