Himilo _ Ciyaartooyo muhiim ah ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka North London Derby ee maanta ay ku qaabilayaan Tottenham Hotspur, taas oo uu tababare Mikel Arteta u halgami doono inuu guul ka keeno, si uu ugu dhowaado Man City oo xalay shan dhibcood ka sare martay.
Gabriel Martinelli ayaa ah ciyaartoyda sida weyn loo tebi doono ee maqan, hase yeeshee waxa booskiisa uu u isticmaali dooaa Leandro Trossard oo ahaa xiddigii la baxsaday ciyaartii Everton.
Trossard oo saddex gool dhaliyey, mid kalena caawiyey 200 daqiiqadood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Arsenal, isla markaana ciyaartoyga kaliya ee ka rikoodhka fiican uu yahay Bukayo Saka ayaa helaa fursad kale oo uu isku muujiyo.
Mikel Arteta oo saxaafadda la hadlay ayaa diiday inuu si buuxda meesha uga saaro Martinelli, waxaana uu xusay inay qiimayn doonaan ka hor ciyaarta oo kaddibna ay go’aan gaadhi doonaan, hase yeeshee liiska kooxda oo uu daabacay wargeyska London Football, ayaanu ku jirin.