Himilo- Magaalada New York City ee dalka Mareykan-ka waxay wajaheysaa roobab lixaad leh oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo isku socodka. roobabka ayaa sababay daadad xooggan iyo burbur hanti, wadooyinka, iskuulada iyo wadooyinka tareenada ayuu xiray daadku.
Daadku waxa uu sababay inay baxsadaan libaad badeed lagu haye beerta xayawaanada. Si kastaba arintan waxay abuurtay cabsi xooggan oo soo wajahday dadka magaalada New York.
Beerta lagu xanaaneeyo xayawaanada ayaa lagaliye xayiraad xooggan, xilli magalada ay biyo qar-qiyeen.
Muuqaal ay duubtay kamirada CCTV-ga ayaa laga arki karay libaad badeed tiro badan oo banaanka uga sii baxaya baraag lagu haye, kadib markii daad xooggan uu u soo galay,
Gudoomiye ku xegeynka ururka illaalinta duurjoogta mareykan-ka waxa uu sheegay in Libaax badeedka uu banaanka u dabaashay kadib markii daadku oo dhulkii wada simay.
Roobka iyo daadadka magaalada New York waxaa laga cabsi qabaa inay sababaan dhibaato xooggan oo magaalada iyo wadooyinkeeda ku dhacdo.