Himilo-Codbixiyaasha magaalada St. Louis Park ayaa doortay Nadia Mohamed, waa 27 jri asalkeedu uu yahay Soomaali, waxayna sidaa ku noqotay qofkii ugu horeeye ee madow ah oo duqa magaaladaa noqda iyo qofkii ugu horeye oo Muslim ah oo xilkaa qabta.
Nadia oo tartan adag lagashay Dale Anderson waxay guushu ku raacday 58% halka isna uu helay 41%
“’Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku guuleysto aniga oo ah Soomaali-Maraykan, Muslim, soo galooti iyo Madow” sidaa waxaa tiri Nadia oo warbaahinta lahadashay markii lagu dhawaaqay natiijada.
Xildhibaan Deqa Dhalac ayaa ahayd qofkii ugu horeeye ee Soomaali Maraykan ah oo xilka duq magaalo ka noqotay mareykan-ka Sanadkii 2021-kii, markaas oo golaha deegaanka South Portland oo lix xubnood ka kooban ay doorteen, balse Nadia Maxamed waxay noqotay Soomaali Mareykan-kii ugu horayse taariiqda mareykan-ka oo si toos ah loo doorto.
‘magaaladan waxaan ku noolaa 18 sanno‘ sidaa waxaa tiir Nadia ‘’waan ku koray halkan ayaa iskuulka ka dhameeye, sidaa darteen waa ay fududeed in lay doorto maadaama dadku ay i garanayeen, ayay hadalkeeda sii raacisay.
Side Nadiya Maxamed ku tagtay mareykan-ka?
Qoyska Nadiya ayaa u gooray Mareykan-ka markii ay jirtay 10 sanno xilligaa oo ay xero qaxooti ku jireen.
Nadia oo ka sheekaynaysa sida ay ugu dhalatay inay tartanto ayaa tiri ‘marka aan dhax socdo magaalada waxaan arkaa sawirada gudoomiyaashii magaalada soomaray sawiradooda oo darbiyada ku dhagay. Dhamaantoo waa rag cadaan ah. Kaliya waxaan arkay labo dumar ah. Midkoodna iima eka. Balse hada aad ayaan u faraxsanahay madaama sawirkeyga aan ku arkayo gudoomiyaashii hore agtooda’’.
Iyadoo hadalkeeda siiwadata waxay tiri ‘Gabdhaha Muslimiinta, madowga ah iyo kuwa soogalootiga ah waxay heli doonaan fursad wanaagsan oo ay ku arkaan mid ka mid ah maayaradooda.’’
Nadia sanakii 2019 ayay ka mid noqotay golaha deegaan-ka ee magaalada St. Louis Park City markaa oo da’deeda aheyd 23 sanno, arintaa oo ka dhigtay qofkii ugu da’da yaraa ee heerkaa gaara.
St. Louis Park oo ay u badan yihiin caddaan-ka, waa magaalo ay ku nool yihiin qiyaastii 50,000, oo qof, sanadihii dambe waxaa labo jibaarmay tirade dadka madow ee magaalada soo dagaya. taasoo gaartay 20%
Guulaha kale ee Soomaalidu gaartay.
Minneapolis, Jamal Osman ayaa markale ku guuleystay kursiga lixaad ee golaha deegaanka kadib markii uu helay 44.6% halka musharaxii latartamaye Kayse Magan uu helay 21.8%
Sannadkii 2022, ugu yaraan siddeed dumar ah oo Soomaali-Maraykan ah ayaa ku guulaystay tartannada doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka.