Home / Arrimaha Bulshada / Maroodi weeraray dalxiisayaal ku sugnaa dalka Zambia

Maroodi weeraray dalxiisayaal ku sugnaa dalka Zambia

Himilo – Maroodi ayaa weerar ku qaaday kaddibna dilay haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo dalxiis u joogtay dalka Zambia, waxaana haweeneydan la weeraray xilli ay ka degtay gaari dalxiis qaade ah oo ay la socotay.

Haweeneydan iyo koox kale oo dalxiisayaal ah ayaa waxaa weerar ku qaaday maroodiyaal, waxaana la xaqiijiyay dhimashada Juliana Gle Tourneau oo 64 jir ah oo ka timid gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka.

Sargaal katirsan booliiska dalka Zambia ayaa sheegay in weerarka maroodiga uu dhacay xilli ay gaadiidka dalxiiska istaageen goob buundo ah, kaddib markii halkaasi saxmad ka abureen maroodiyaal badan.

Dalka Zambia ayaa kamid ah dalalka ay dhibaatada ugu badan ka geestaan maroodiyaasha, dhimashadan ayaana noqoneysa tii labaad ee dalkaasi kula kulmaan muwaadiniinu dhalatay dalka Mareykanka.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan