Himilo – Kulamadii ugu horeeyay ee Group-yada Euro 2024 ayaa la soo gabagabeeyay waxana la isku diyaarinayaa in si buuxda loo ogaado xulalka u gudbaya wareega 16-ka Euro 2024.
Xulalka qaar ayaa u gudbay wareega 16-ka tartanka halka ay xulal kale wali raadinayaan in ay u gudbaan wareega kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada.
Xalay waxaa la soo af-jaray guruub A iyadoo xulalaku ay xaqiijisteen halka ay wax u marayaan.
Hadaba siday u kala horeeyaan xulalka guruup A ku wada jiray yaaharay yaasa soo baxay?
Germany oo barbaro lagaray Switzerland ayaa kaalinta 1-aad ku soo baxay halka Switzerland oo heystay fursad ay kaalinta 1aad ku soo bixikarto ay lumisay kadib markii waqtigii dheeraadka ee ciyaarta laga bareejeeye gool ay Germany ku hogaamineyse.
Xulka Hungry oo xalay garaacay xulka qaranka Scotland ayaa heysta fursad ah kaalinta 3-aad ee ugu fiican oo ay wareega 16-aad ugu soo bixi rakaan. Halka xulka qaranka Scotland si toos ah u hareen.