Himilo – Group-kii ugu caajiska badanaa tartanka Euro-2024 ayaa soo dhamaaday iyada oo kulankii ugu dambeeyay lagu kala baxay bar-baro gool la’aan ah.
Group-C oo ay ku wadajireen England, Serbia, Denmark iyo Slovenia ayaa guud ahaan ku soo dhamaaday iyadoo hal kulan oo kaliya lakalabadiye, waana kulankii England iyo Serbia.
England oo 5 dhibcood latimid ayaa kaalinta koobaad ku soo baxday, halka Denmark iyo Slovakia ay dhibcaha iyo goolasha ka simanyihiin.
Inkastoo dhinac kasta ay ka simanyihiin Denmark iyo Slovakia hadane waxaa kaalinta labaad galaya Denmark sababta oo ah in dalkaa uu isreebreebkii tartanka uu ka dhibco badnaa Slovakia.
Xulka Denmark ayaa 4 dhibcood ka qaatay is reeb-reebkii Euro-2024 taas oo keentay in uu ku dhamaysto meel ka saraysa Slovenia Group-ka C ee tartanka Euro-2024.