Home / Cayaaro / Xulka Switzerland oo Garaacay Italy Iskana Xaadiriyay wareega 8 dhamaadka Euro 2024.

Xulka Switzerland oo Garaacay Italy Iskana Xaadiriyay wareega 8 dhamaadka Euro 2024.

Himilo – Xulka qaranka Switzerland ayaa garaacay xulka Italy kulan ka tirsanaa Euro 2024 wareega 16.

Xulka Switzerland ayaa ahaa kuwa fiican iyaga oo ka awood badadnaa xulka Italy.

Daqiiqadii 37-aad ayuu xulka Switzerland dhaliyay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga R. Freuler.

Xulka Italy ayaa isku dayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin uma suurtagalin.

Qaybta dambe ayuu xulka Switzerland dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Vargas kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Switzerland iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka euro 2024.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan