Himilo – Shan ka mid ah ciyaartoyda England ayaa kulanka Switzerland soo galaya iyaga oo halis ugu jira ganaax tartanka Euro 2024.
Xulka England ayaa si cajiib ah isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay guul wakhti dambe ah ka gaareen Xulka Slovakia.
Xulka Saddexda Libaax ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan Semi-final-ka tartanka Euro 2024 marka ay la ciyaari doonaan xulka Switzerland.
Laakiin ilaa shan ciyaaryahan oo England ah ayaa laga yaabaa inay seegaan kulanka semi-finalka hadii ay kaarka digniinta ah qaataan kulanka Switzerland.
Xiddigaha Jude Bellingham, Phil Foden, Kobbie Mainoo,Kieran Trippier iyo Conor Gallagher ayaa dhamaantood qaatay hal digniin ah waxana ay seegi doonaan Semi-final-ka Hadii ay qaataan kaadh dignii ah kulanka xulka Switzerland.
Radio Himilo
