Home / Arrimaha Bulshada / Imisa guri ayuu leeyahay ninka ugu hodansan qaaradda afrika?

Imisa guri ayuu leeyahay ninka ugu hodansan qaaradda afrika?

Himilo – Dad badan ayey layaab ku noqotay hadal uu sheegay ninka ugu taajirsan qaarada Afrika Aliko Dangote, kaddib markii uu ninkan shaaciyay in labo guri kaliya uu leeyahay, kuwaas oo ku kala yaalla magaalooyinka Kanu iyo Lagos ee dalka Nageria.

Aliko Dangote, ayaa sheegay in kaliya gudaha dalkiisa iyo guud ahaan caalamka uu ku leeyahay labada guri uu ku yaalla magaalada uu ku dhashay ee Kano iyo Lagos, waxa uuna xusay marka uu tago caasimadda Nageria in uu dego guri kiro ah.

Ninkan oo lagu tilmaamay in uu yahay kan ugu lacagta badan qaarada Afrika ayaa dad badan filayeen in qasriyo waa weyn ku leeyahay gudaha dalkiisa iyo waddamo kale ee caalamka, hasa ahaatee dad badan ayaa aad ula yaabay hadalkan uu hadda shaaciyay.

Maalqabeennada u dhashay dalka Nageria ayaa caan ku ah in guryo waa weyn ka dhistaan magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, iyo sidoo kale magaalooyinka London Dubai, Atlanta iyo dalal kale oo caalamka daafihiisa ku yaalla.

Aliko Dangote oo 66 sano jira ayaa ah ganacsade lacagta ka sameeya Shamiitada iyo Sokorta, isagoo sanadkii hore xarigga ka jaray warshad saliidda sifeysa.

Sida ay daabacday majaladda Forbes, bishii January ee sanadkaan hantidiisa ayaa kor u kacday sanadkii la soo dhaafay, waxaana ku darsamay $400m, taasoo hadda ka dhigeysa inuu heysto lacag dhan 13.9 Billion oo doolar.  Tani waxay ka dhigtay inuu sanadkii 13-aad oo xiriira noqdo ninka ugu hodansan qaaraddan madow.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan