Home / Arrimaha Bulshada / Ciwaanada ay Facebook-ga ku leeyihiin warbaahinta Ruush-ka oo labaabi’inayo.

Ciwaanada ay Facebook-ga ku leeyihiin warbaahinta Ruush-ka oo labaabi’inayo.

Himilo-Milkiilaha shirkadaha Meta ee Facebook iyo Instagram ayaa sheegay inay mamnuucayaan shabakadaha warbaahinta ee dowladda Ruushku leedahay, isagoo ku eedeeye inay soo galiyaan waxyaabo kabaxsan sharciga shirkada iyagoo ka fogaanayo in la ogaado howlahooda baraha bulshada.

“kafikirid taxaddar leh Kadib, waxaan ballaarinnay tallaabooyinka aan ka qaadayno warbaahinta dowladda Ruushka ee kala ah Rossiya Segodnya, RT iyo hay’adaha kale ee xariirka la leh dowlada Ruush-ka waa laga mamnuucayaa Baraheena bulshada sababo la xiriira hawlahooda aan sharciga waafaqsaneyn,”  shirkadda Meta ayaa sidaa bayaan ku tiri.

Warbaahinta RT ayaa beenisay eeda loo jeediya ee ah inay war aan sax aheyn baahiso.

Mamnuucidda ayaa la filayaa in ay dhaqan gasho maalmaha soo socda. Safaarada rush-ka ee Washington iyo warbaahin Rossiya Segodnya ayaan wili war ka soo saarin eeda loo jeediye.

Warbaahinta Ruush-ka ayaa wajaheysa baaritaano laxariira inay saameyn iyo faragalin ku hayaan siyaasada dowlada Galbeedka.

Meta oo leh Instagram, WhatsApp iyo Threads, ayaa ka mid ah shirkadaha baaritaanada ku haya warbaahinta rush-ka.

Labo sano ka hor, Meta waxay xayaysiinta ka joojisay warbaahinta Ruush-ka ee baraheeda bulshada isticmaasha iyadoo sidoo kale dadka ay wararkooda gaarsiineyso ay yareysay.

Kadib dagaalkii Ruushka uu ku qaaday Ukraiine Meta waxay u hogaansantay sharciyada EU iyo UK waxayna xanibtay wararka dowlada Ruush-ka.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan