Himilo-Dad badan ayaa ka qaxay guryahoodii, tan iyo markii uu soo baxay warka ku aaddan in gobolkaa duufaanno ku soo began yihiin.
Laba milyan oo guri iyo goobo ganacsi ayaa hadda koronto la’aan ah. Habeenkii dad badan ayaa banaanada ku hoyanaya. adeegyada gurmadka degdegga ah ayay u suugarali weysay inay in ay ka jawaabaan wicitaannada.
Booliisku waxay sheegeen in ay jiraan dhimasho ka dhalatay duwaan muddo 20 daqiiqo socotay oo ku dhufatay xeebaha badweyne Atlantic.
hada waxaa loo diyaar garoobayaa dib u soo kabashada, masuuliyiinta gobolka ayaa u daad gureeyay ku dhawaad 10,000 oo ka tirsan ilaalada qaranka, iyadoo la diyaariyey in la qaybiyo ilaa 20 milyan oo xirmooyin cunto ah iyo 40 milyan oo litir oo biyo ah.