Shacabka Soomaaliland oo u dareeray Goobaha Cod bixinta

0
20

Himilo- Shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan waxay isha ku hayaan doorashada ka socota Soomaaliland taas oo rajo galineysa guud ahaan Jamhuuriyada Faderalka shacabka ku nool oo mudo dheeraan aan cod kooda ku ciil bixin.

Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee maamulkaas hoggaamin doona shanta sano ee soo socota. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya saddex musharrax oo ka kala socda xisbiyada ugu waaweyn Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi oo u tartamaya xisbiga Kulmiye, Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi “Cirro” oo ka socda xisbiga Waddani, iyo Faysal Cali Waraabe oo metelaya xisbiga UCID.

Doorashada madaxweynaha waxaa barbar socota doorasho kale oo xisbiyada lagu kala saari doono, taas oo lagu go’aaminayo ururada siyaasadeed ee u tartamaya in ay ka soo baxaan saddexda xisbi ee rasmiga ah ee Somaliland ka jiraya. Guud ahaan, 10 urur siyaasadeed ayaa u tartamaya in ay ka helaan ugu yaraan 20% codadka guud ee laga dhiibto shanta gobol ee Somaliland ka kooban tahay, taas oo u oggolaanaysa in ay isku beddelaan xisbi rasmi ah.

Qofka codbixiyaha ah ayaa loo qaybiyey labo waraaqood oo uu midda hore ugu coddeynayo musharaxiinta xilka madaxweynaha, halka midda kale uu kaga qayb qaadanayo doorashada ururrada siyaasadeed.