Home / Arrimaha Bulshada / Bini-aadamka oo markii ugu horeyse iskudayaya in uu gaaro Qoraxd

Bini-aadamka oo markii ugu horeyse iskudayaya in uu gaaro Qoraxd

Himilo-Hey’adda duulimaadka hawada sare ee NASA ayaa isku dayaya inay sameeyaan taariikh cusub iyaga oo markii ugu horraysay diraya dayax gacmeed la filayo inuu u dhawaado qorraxda.

Parker Solar Probe, ayaa dhexmaraya jawiga sare ee xidigaha isaga oo u adkaysankara kulaylka iyo shucaaca.

Saynisyahannada waxa ay sheegeen in kulaylka daran ee uu sii dhexmarayo dayax gacmeedka uu sababyo in ay lunto isgaarsiinta, balse ay sugayaan calaamad muujinaysay halka uu ku suganyahay marka ay taariikhdu tahay 27-bishaan sii dhamaanaysa ee December.

Hadafka dayax gacmeedka loogu dirayo masaafada aadka ugu dhaw qorraxda ayay saynisyahannadu ku sheegeen inay tahay in la helo waxyaabo ka caawinaya inay fahmaan sida ay qorraxdu u shaqeyso.

Dayaxgacmeedkaan ayaa u adkaysan doona heerkulka 1,400C iyo shucaac waxyeelo u gaysan kara xarkaha gudaha ee dayax gacmeedka.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan