UNRWA: In Ka Badan 2.1 Milyan Qof oo Reer Gaza ah oo Wajahaya Duqeyn iyo Gaajo

Himilo – Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa digniin culus ka soo saartay xaaladda bini’aadantinimo ee ka sii dareysa marba marka ka dambeysa ee ka jirta Marinka Gaza, halkaas oo ay ku go’doonsan yihiin in ka badan 2.1 milyan qof oo wajahaya duqeymo joogto ah iyo gaajo daran.

Bayaan Sabtidii la soo saaray ayay UNRWA ku codsatay xabad-joojin degdeg ah, in la qaado go’doominta Israa’iil saartay Gaza, iyo in la furo isgoysyada si gargaar bini’aadantinimo loogu gudbiyo dhulka go’doonsan.

Dad Ku Jira Go’doon

Tan iyo markii Israa’iil dib u billowday weerarkeeda militari ee Gaza 18-kii Maarso, kumanaan qof ayaa la dilay ama la dhaawacay, halka shacabka Gaza ay la daalaa-dhacaayaan xaalad ay UNRWA ku tilmaamtay “masiibo bini’aadantinimo.”

Israaiil waxay gabi ahaanba xirtay isgoysyadii, waxayna joojisay gelinta raashin, daawo, shidaal iyo sahay muhiim ah muddo toddobaadyo ah, taasoo keentay in gargaarkii caalamiga ahaa uu xayirmo xuduudaha Gaza.

Dadka reer Gaza—oo badankoodu yihiin qaxooti muddo badan ku soo barakacay—waxa ay wajahayaan duqeymo joogto ah, gaajo iyo duruufo nololeed oo liita, iyadoo aysan jirin meel ay ku nabad galaan.

Gargaarkii oo La Hakiyay

UNRWA waxay sheegtay in go’doominta Israa’iil ay sii xumaysay xaaladda. Raashin, qalab caafimaad, shidaalka matoorrada iyo teendhooyin ayaa ku xaniban isgoysyada Gaza, iyadoo aysan jirin marin lagu gudbiyo. Hay’addu waxay ku digtay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, ay xaaladdu noqon doonto mid musiibo ah, gaar ahaan dadka nugul sida carruurta, dadka da’da ah iyo kuwa xanuunsan.

“Shacabka Gaza waxaa lagu laayayaa duqeyn iyo gaajo,” ayaa lagu yiri bayaan ay UNRWA soo saartay. “Waxaan si degdeg ah ugu baaqeynaa xabbad-joojin, in la qaado go’doominta, lana furo marinno si gargaarka loo gaarsiiyo.”

Xasuuqka Israa’iil oo Isa Soo Taraya

Ciidamada Israa’iil ayaa tan iyo dhammaadkii Maarso kordhiyay weerarradooda, iyadoo burbur baaxad leh lagu gaarsiiyay guryaha, isbitaallada, dugsiyada iyo kaabeyaasha nolosha. Duqeymahaasi waxay sii kordhiyeen silicii shacabka oo horey ugu jiray cunaqabatayn, barakac, iyo tacaddi sannado badan soo jiitamayay.

Dadka dhaliila Israa’iil waxay ku eedeeyaan go’doominta inay tahay ciqaab wadareed, taasoo jabinaysa sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Dhanka kale, Israa’iil waxay sheegtay in weerarradeedu ay lagama maarmaan u yihiin la dagaalanka kooxaha hubeysan sida Xamaas.

Baaq Caalami ah

UNRWA waxay mar kale ku celisay in loo baahan yahay in si joogto ah loo furo marinada gargaarka si loo badbaadiyo nolosha shacabka Gaza. Waxay ku baaqday in hogaamiyeyaasha caalamku cadaadis ku saaraan Israa’iil si loo furo isgoysyada loona suurtageliyo in gargaarka la gaarsiiyo kuwa u baahan.

Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in xaaladdan sii socota ay saameyn xun ku yeelan doonto jiilka cusub ee Gaza, gaar ahaan carruurta. “Mustaqbalka jiil dhan ayaa halis ku jira,” ayay tiri UNRWA.

U Baahan Tallaabo Caalami ah

Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqayaashu waxay dalbanayaan in la joojiyo taageerada diblomaasiyadeed iyo midda milatari ee ay dalal awood leh siiyaan Israa’iil.

Shacabka Gaza ayaa hadda ku dhex xayiran duqeymo cirka ka socda iyo gaajo dhulka kaga haysata. Xaaladdooda murugada leh waxay tusaale u tahay baahida degdegga ah ee xal siyaasadeed iyo isla xisaabtan dhab ah si loo soo afjaro xasuuqa daba-dheeraaday.

error: Copy lama Ogola Fadlan