Guddiga UN-ka: Weerarrada Israa’iil ku hayso dugsiyada iyo goobaha dhaqanka ee Gaza waa dambiyo dagaal iyo xasuuq

Himilo – Guddiga Madaxa Bannaan ee Baaritaanka ee Qaramada Midoobay ee Dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay burburiyeen in ka badan 90% xarumaha waxbarashada ee Gaza, iyo in ka badan kala bar goobaha diinta iyo dhaqanka, arrintaas oo ay guddigu ku tilmaameen inay tahay dambiyo dagaal iyo dambi ka dhan ah bini’aadantinimada oo ah xasuuq.

Warbixin ay soo saareen, guddigu waxay sheegeen in weerarada Israa’iil ay yihiin “weerar ballaaran oo aan kala joogsi lahayn oo lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta,” iyadoo lagu daray “calaamado sii kordhaya oo muujinaya in Israa’iil ay si ula kac ah u burburinayso noloshii Falastiiniyiinta ee Gaza,” sida ay sheegtay Navi Pillay, guddoomiyaha guddiga.

Warbixintu waxay muujisay in in ka badan 658,000 caruur ah oo reer Gaza aysan dugsi tagin muddo ku dhow laba sano, iyadoo duqeymo, madaafiic iyo burburin ula kac ah lagu baabi’iyay dugsiyo iyo jaamacado. Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeeyay inay ka dhigeen Jaamacadda Al-Azhar saldhigyo ciidan..

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay in la burburiyay 10 goobood oo diimeed iyo dhaqan muhiim ah, kuwaas oo aan lahayn wax qiime ciidan ah.

“Weerarada lagu beegsanayo goobaha dhaqanka iyo diinta waxay si qoto dheer u saameeyeen dhaqanka aan la taaban karin, sida cibaadada, xusuusta iyo taariikhda,” ayay tiri Pillay.

Guddigu wuxuu sidoo kale xuseen in 806,000 arday oo reer Falastiin ah oo ku nool Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ay saameeyeen rabshadaha dadka degaanka ah ee Israa’iil, duullaannada ciidan iyo xayiraadaha dhaqdhaqaaqa. Waxa kale oo Israa’iil lagu eedeeyay inay ka faa’iideysato goobaha dhaxalka ah ee ay la wareegtay iyadoo diidan in Falastiiniyiinta helaan marin.

Guddigu wuxuu ugu baaqay Israa’iil inay:

  • Inay joojiso gumeysiga

  • Inay xakamayso weerarada iyo dhismaha degmooyinka

  • Inay u hogaansanto sharciga caalamiga ah

Waxa kale oo ay ku booriyeen maamulka Falastiin iyo kooxda Xamaas inay hubiyaan in kaabayaal rayid ah aan loo isticmaalin ujeedooyin ciidan.

Warbixinta ayaa la horgeyn doonaa Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay 17-ka Juun.

error: Copy lama Ogola Fadlan