Himilo – Kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ee Hamas ayaan weli go’aan kama dambeys ah ka gaarin soo jeedinta xabbad-joojin iyo is-weydaarsi maxaabiis oo ay soo jeediyeen Qatar iyo Masar, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la hadlay wakaaladda Anadolu.
Hamas ayaa la sheegayaa inay wadatashi la leedahay kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ka hor inta aysan si rasmi ah uga jawaabin hindisaha dhexdhexaadiyeyaasha. Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in kooxda ay u badan tahay inay aqbasho heshiiska.
Hindisaha waxaa taageeraya dammaanad-qaadyo ballaaran oo ay bixiyeen Mareykanka, Masar iyo Qatar, inkastoo aan la faahfaahin nooca dammaanadahaas. Turkiga ayaa la sheegayaa inuu kamid noqon karo dalalka dammaanad qaadka heshiiskan.
Wadahadallada ayaa weli ka socda qodobo farsamo oo ay ka mid yihiin: habraaca gargaar bini’aadannimo, khariidadaha ka bixitaanka ciidamada Israel, iyo diyaarinta marxaladda kadib 60-ka maalmood ee la qorsheeyay inay socoto xabbad-joojintu.
Hamas ayaa la filayaa inay jawaabteeda rasmiga ah bixiso labo maalmood gudahood.
Kooxda ayaa horey u xaqiijisay in ay dib u eegayso hindisayaasha lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka, ciidamada Israel looga saaro Gaza, lana gaarsiiyo gargaar degdeg ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar ayaa sheegay in ay jiraan “astaamo rajo leh” oo muujinaya suuragalnimada heshiis xabbad-joojin ah iyo is-weydaarsi maxaabiis.
Hamas waxay marar badan sheegtay inay diyaar u tahay inay sii deyso dhammaan maxaabiista Israel haddii Israel joojiso duullaanka iyo ciidamadeeda kala baxdo Gaza.
Balse Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa diidan heshiis ballaaran, wuxuuna doorbidayaa xalal kooban oo dagaalka sii socodsiin kara, arrin loo arko mid la xiriirta mustaqbalkiisa siyaasadeed.
Tirada dadka Falastiiniyiinta ah ee lagu dilay Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023 ayaa kor u dhaaftay 57,100, intooda badanna waa dumar iyo caruur, iyadoo Israel ay wajahayo dacwado dembi dagaal iyo xasuuq ah maxkamadaha caalamiga ah.