Himilo – Lionel Messi ayaa la saadaaliyay in uu soo afjari doono mustaqbalkiisa quruxda badan sanadka soo socda iyada oo Emmanuel Petit uu soo jeediyay in koobka adduunka 2026 uu noqon karo kiisii ugu dambaysay.
Halyeeyga Barcelona waxa uu ku guuleystay wax walba oo uu ku gaari lahaa kubadda cagta, isagoo 38 jir ah, isaga iyo Cristiano Ronadlo oo ay muddo dheer ka kusoo xifaaltamayeen kubada cagta, labaduba waxay hadda shaki la’aan ku sii jeedaan dhammaadka xirfaddooda.
Laakiin halka Ronaldo uu dhawaan kordhiyey sii joogistiisa Saudi Arabia, isagoo gaadhay 1,000 gool oo xirfadiisa ah,balse mustaqbalka Messi ma cadda.
Qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda Inter Miami ayaa lagu wadaa in uu dhaco dhamaadka xiliciyaareed kaan oo ka tirsan horyaalka MLS-ka Mareykanka, waxaana la soo jeediyay meelo kala duwan oo uu ku biiri karo sida in uu Ronaldo kula biiro Sacuudiga iyo in uu dib ugu laabto Barcelona.
Petit, oo u soo ciyaaray Barca xilli ciyaareedkii 2000-01, ayaa aaminsan in Messi waqtigiisii Yurub uu dhamaaday iyo in Koobka Adduunka ee lagu qabanayo US, Canada iyo Mexico ay noqon doonto markii ugu dambeysay ee uu ka dheelo garoomada kubada cagta.
“Messi wuxuu ka ciyaari karaa lambarka 10-aad, laakiin waxaan ognahay inuusan ordi karin, Barcelona ma maamuli kartaa khadka dhexe iyadoo labo ciyaaryahan oo kaliya ay joogaan?” Petit wuxuu u soo jeediyay Escapist Magazine. “Ma jirto qaab aan ku arki karno Messi oo ku soo laabanaya Barcelona, waxaan u rajeynayaa wanaag inuu ku guuleysto Koobka Adduunka 2026, waxaana qabaa inuu ka fariisan doono ciyaaraha.
“Ma laga yaabaa in Messi uu amaah ku aado meel kale oo Yurub ah ka hor Koobka Adduunka?, waxaan u maleynayaa inuu si gaar ah ula dhaqmay America, wayna adag tahay.
“Waa xaalad la mid ah Ronaldo,yaa awood u leh inuu bixiyo mushaaraadkaas iyo da’dooda, waxaad u baahan tahay 10 ciyaaryahan oo kale si ay u ordaan, kooxaha sare ee Yurubna sidaas uma shaqeeyaan, ma arkeysid ciyaaryahano kubada cagta casriga ah oo aan lahayn dhaqdhaqaaq badan, waa sababta Messi waqtigiisii Yurub uu u dhamaaday.”
Laakiin inkastoo Petit uu sheegay, weriyaha Athletic David Orseitns ayaa sheegay in Inter Miami aad ugu kalsoon tahay inay awoodi doonaan inay ku qanciyaan Messi inuu saxiixo heshiis kordhin.