Himilo – Sahan cusub oo ay daabacday jariidadda Stern ayaa muujinaya in 74% dadka reer Jarmal ay doonayaan in dowladdoodu ay cadaadis xooggan saarto Israa’iil si loo yareeyo musiibada bini’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.
Sahankan oo uu sameeyay xarunta Forsa ayaa muujiyay kala aragti duwanaansho ku saleysan xisbinimada, iyadoo 94% taageerayaasha Xisbiga Bidixda iyo 88% taageerayaasha Xisbiga Cagaaran ay taageersan yihiin in cadaadis badan lagu saaro Israa’iil.
Sidoo kale, 77% taageerayaasha xisbiyada talada haya ee CDU/CSU iyo SPD ayaa taageeray in dowladdu ku qasbato Israa’iil in ay joojiso dagaalka iyo in la furo marinada gargaarka ee Gaza.
Dhinaca kale, taageerayaasha xisbiga midigta fog ee AfD ayaa si daciif ah u diiday in cadaadis lagu saaro Israa’iil, balse 61% taageerayaashooda ayaa haddana taageersan in Jarmalku qaato mowqif adag.
Jarmalka oo taariikh ahaan si dhow ula safnaa Israa’iil, ayaa wajahaya cadaadis dadweyne oo xooggan, iyadoo mudaharaadyo waaweyn laga dhigay waddanka oo lagu cambaareynayo xasuuqa ka socda Gaza.
Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa Isniintii sheegay in xukuumaddiisu ay tixgelinayso in ay kordhiso cadaadiska diblomaasiyadeed ee ay ku saarayso Israa’iil sababo la xiriira xaaladda aadka u liidata ee Gaza.
Tirakoobyo cusub ayaa muujinaya in Israa’iil ay dishay in ka badan 60,000 oo qof tan iyo October 2023, inta badan na waa haween iyo carruur. Cunaqabataynta joogtada ah ee Gaza ayaa sababtay baahi daran iyo dhimasho gaajo awgeed.
Hay’adda caalamiga ah ee kormeerka gaajada (IPC) ayaa Talaadadii uga digtay caalamka in macluul dhab ah ay ka dhacayso Gaza.
Radio Himilo
