Home / Arrimaha Bulshada / In ka badan 280 milyan oo Afrikaan ah oo wajahaya nafaqo-darro

In ka badan 280 milyan oo Afrikaan ah oo wajahaya nafaqo-darro

Himilo – Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa muujisay in inkastoo gaajada caalamka ay hoos u dhacdo, haddana si isa soo taraysa ay uga sii dareyso qaaradda Afrika. Waxaa la saadaaliyay in dunida ugu yaraan 512 milyan oo qof ay gaajo la daalaa dhacayaan tobanka sano ee soo socda, iyadoo 60% dadkaas ay ku nool yihiin Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo ka hadlayey shirkii Nidaamyada Cuntada ee Midowga Afrika oo ka dhacay Itoobiya, ayaa uga digay madaxda in cunnada aan marnaba loo adeegsan dagaal ahaan, isagoo ugu baaqay tallaabo degdeg ah si wax looga qabto macaluusha sii baahaysa ee qaaradda.

In ka badan 280 milyan oo Afrikaan ah ayaa haatan nafaqo-xumo la ildaran, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuussuuf. Wuxuu sababaha ugu waaweyn ku sheegay isbeddelka cimilada, colaadaha iyo burburka dhaqaale.

Wuxuu xusay in 52 milyan oo qof ay la daalaa dhacayaan cunto yari daran, halka ku dhowaad 3.4 milyan ay qarka u saaran yihiin macaluul buuxda.

Madaxda shirku waxay ku baaqeen in la kordhiyo maalgelinta dhinacyada beeraha, adkeysiga cimilada, iyo nidaamyada ilaalinta bulshada si loo yareeyo khatarta. Haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, Afrika ayaa halis ugu jirta inay noqoto meesha kala bar dadka caalamka ay gaajo gali doonaan shanta sano ee soo socota.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan