Himilo – Dalka Botswana ayaa ku dhawaaqay xaalad caafimaad oo degdeg ah kadib markii uu dalkaasi wajahay hoos u dhac weyn oo dhanka dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ah, taas oo dhibaato ku keentay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee lagu daweeyo cudurro kala duwan, oo ay ku jiraan dhiig-karka, sonkorowga iyo kansarka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa eedda dusha ka saartay caqabado dhaqaale, iyadoo Madaxweynaha dalka uu sheegay in qiimaha soo iibsiga oo kordhay iyo nidaamyada qaybinta oo aan hufnayn ay horseedeen dhibaatada.
Horraantii wasaaradda caafimaadka ayaa ka digtay in keydka dawooyinka uu sii dhammaanayo, isla markaana dib loo dhigay qalliinnada aan degdegga ahayn.Tan iyo markaas, wasaaradda maaliyadda ayaa ogolaatay in lagu bixiyo lacag degdeg ah oo gaaraysa 17.35 milyan doolar si loogu soo iibsado dawooyin iyo agab caafimaad.
Miisaaniyadda Botswana sanadkan waxaa ka jira culeys sababo la xiriira hoos ku yimid suuqa caalamiga ah ee dheemanka, iyadoo dalkaasi uu yahay kan ugu badan adduunka marka la eego qiimaha dheemanka la soo saaro.
Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa jaray taageeradii caafimaad ee Botswana, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn in arrintaasi la xiriirto xaaladda haatan ka taagan dalka.