Home / Arrimaha Bulshada / Boqolaal kun oo shaqaale Indonesiyaan ah oo ka cabanaya mushahar hoose iyo gunooyin sharci-dejiyeyaasha la siiyo

Boqolaal kun oo shaqaale Indonesiyaan ah oo ka cabanaya mushahar hoose iyo gunooyin sharci-dejiyeyaasha la siiyo

Himilo – Kumannaan shaqaale Indonesiyaan ah ayaa  dibadbaxyo waaweyn ka dhigay hortooda Golaha Wakiillada ee magaalada Jakarta, iyagoo ka mudaaharaaday mushaharooyin hoose, nidaamka shaqooyinka qandaraaska (outsourcing), iyo gunooyinka sii kordhaya ee sharci-dejiyeyaasha dalka.

Dibadbaxyadan waxaa soo abaabulay Ururka Shaqaalaha Indonesiya iyo Xisbiga Shaqaalaha, sida uu sheegay wargeyska Jakarta Globe.

Shaqaaluhu waxay dalbadeen in la joojiyo shaqooyinka qandaraaska iyo mushaarada hoose, sidoo kalena la xakameeyo shaqo eryidda ballaaran, iyagoo codsaday in la sameeyo guddi gaar ah oo dabagal ku sameeya shaqo la’aanta lagu qasbo dadka. Waxay kaloo ku baaqeen dib u habeyn canshuureed oo ku saabsan shaqaalaha, oo ay ku jirto in laga dhigo xadka dakhliga aan canshuurta laga qaadin ilaa 7.5 milyan rupiah ($458) bishii, isla markaana laga dhaafo canshuurta lacagta fasaxa, gunnooyinka ciida iyo kaydka hawlgabka.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku adkaystay in la meel mariyo sharci u oggolaanaya in la qabto hantida musuqmaasuqa, in la ansixiyo Xeerka Shaqaalaha cusub, iyo in wax laga beddelo shuruucda doorashooyinka ka hor doorashada guud ee 2029.

Mudaharaadyadu waxay sidoo kale si gaar ah u beegsadeen gunooyinka sharci-dejiyeyaasha, kuwaas oo marka laga reebo mushaarkooda, ay bishii helaan gunno hoy ah oo gaaraysa 50 milyan rupiah ($3,057) — taas oo ku dhowaad toban jeer ka badan mushaharka ugu yar ee Jakarta.

Iyadoo cadaadis xooggan uu ka dhashay mudaharaadyadan, Golaha Wakiillada ayaa markii dambe caddeeyay in 580 xubnood ee baarlamaanka ay heli doonaan gunnooyinkaasi oo keliya illaa bisha Oktoobar, sida uu qoray The Jakarta Post.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan