Home / Habka-Nolosha / UNRWA oo ka digtay ‘jiil luma’ maaddaama 660,000 carruur ah oo reer Gaza ay weli dugsiyada ka maqan yihiin

UNRWA oo ka digtay ‘jiil luma’ maaddaama 660,000 carruur ah oo reer Gaza ay weli dugsiyada ka maqan yihiin

Himilo – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa ka digtay halista mustaqbalka waxbarasho ee carruurta Gaza, iyadoo sheegtay in in ka badan 660,000 carruur ah loo diiday fursad waxbarasho .

“Dagaalka Gaza waa dagaal ka dhanka ah carruurta, waa inuu joogsadaa. Carruurtu waa inay helaan ilaalin mar walba,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay UNRWA, iyadoo ku tilmaantay dhalinyarada Gaza inay khatar ugu jiraan inay noqdaan “jiil lumay.”

Halka dugsiyada Daanta Galbeed ee la heysto dib loo furayo 1-da Sebteembar, balse fasallada Gaza ayaa wali xirnaanaya. Wasaaradda Waxbarashada Falastiin ayaa sheegtay in ku dhowaad 700,000 arday waxbarashadooda ay hakad ku jirtay tan iyo bilowgii duqeymaha, halka in ka badan 70,000 arday aysan laba sano oo xiriir ah u fadhiisan karin imtixaannada dugsiyada sare.

Xogta wasaaradda ayaa muujinaysa in weerarrada Israel tan iyo Oktoobar 2023 lagu dilay ugu yaraan 17,000 arday oo dugsiyo ah iyo in ka badan 1,200 arday jaamacadeed, iyadoo tobanaan kun kalena la dhaawacay.

Daanta Galbeed ee la heysto, arday badan ayaa lagu dilay, lagu dhaawacay ama lagu xiray ciidamada Israel muddadaas.

Sidoo kale, Barayaasha iyo shaqaalaha tacliinta ayaa si weyn ugu waxyeelloobay dagaalka. Ku dhowaad 1,000 macallimiin iyo shaqaale tacliimeed ayaa lagu dilay Gaza, halka kumannaan kale lagu dhaawacay ama lagu xidhay dhulalka Falastiin.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan