Home / Macluumaad / Australia: Abaal-marin $650,000 ah oo la dul dhigay nin loo haysto dilka labo sarkaal

Australia: Abaal-marin $650,000 ah oo la dul dhigay nin loo haysto dilka labo sarkaal

Himilo – Dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday abaal-marin gaareysa 1 milyan oo doollar Australian ah – oo u dhiganta qiyaastii $650,000 – qofkii keena xog horseedda qabashada Dezi Freeman, oo lagu eedeeyay dilka laba askari iyo dhaawicidda mid kale.

Freeman ayaa lagu tuhunsan yahay inuu 26-kii Agoosto rasaas ku dilay laba askari boolis ah xilli ay ku sugnaayeen gurigiisa oo ku yaalla tuulada yar ee Porepunkah, gobolka Victoria, halkaas oo ay boolisku ka fulinayeen warqad baaritaan ku saabsan eedeymo la xiriira dembiyo galmo hore.

Tan iyo markaas Freeman lama arag, waxaana lagu sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda loo yaqaan “sovereign citizens”, oo sheegata in xubnaheeda aysan ka amar qaadan sharciyada dowladda ilaa ay iyagu ogolaadaan.

Booliska gobolka Victoria ayaa sheegay in abaal-marintan ay tahay tii ugu weynayd ee taariikhda gobolka lagu bixiyo raadinta qof la tuhunsan yahay. Laakiin sarkaalka kooxda dambiyada dilalka, Dean Thomas, ayaa sheegay in abaal-marinta aysan ka dhignayn in baaritaanka uu meel xun marayo.

In ka badan 450 askari ayaa hadda ka qeyb qaadanaya hawlgalka raadinta Freeman, iyadoo laga baadi-goobayo buuraleyda ku dhow Porepunkah oo ay heerkuladu ka hooseeyaan eber. Aaggaasi oo leh godad iyo ceelal hore ayaa si weyn loogu baadhayaa kooxo boolis oo khaas ah.

Boolisku waxay rumeysan yihiin in Freeman uu heli karo gargaar dibadda ah, inuu kaligiis ku noolaan karo dhulka buuraleyda, ama uu horey u dhintay.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan