Home / Cayaaro / Xidigaha PSG Dembele iyo Doue oo dhaawacoodu uu qaadan doono mud bil ah

Xidigaha PSG Dembele iyo Doue oo dhaawacoodu uu qaadan doono mud bil ah

Himilo –  Kooxda heysata horyaalka Yurub ee Paris St-Germain ayaa waayi doonto Ousmane Dembele iyo Desire Doue ilaa bisha October ka dib markii ay labadooduba dhaawacyo soo gaareen intii lagu guda jiray isreebreebka Koobka Adduunka ee France ay ka badiyeen Ukraine.

Dembele waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa ku dhawaad lix todobaad ka dib dhaawac halis ah oo muruqa ah, halka Doue uu garoomada ka maqnaan doono ilaa afar todobaad, sida ay sheegtay kooxda reer France.

Weeraryahan Dembele ayaa bedelay Doue oo dhaawacmay qeybtii nasashada ee kulankii ay 2-0 ku badiyeen Jimcihii, kaliya waxaa la bedelay isagana daqiiqadii 81aad.

PSG ayaa difaacashada koobka Champions Leaque-ga ku bilaabanaysa gurigeeda 17ka Sebtembar ka hor inta ayna u safrin Spain si ay 1-da October ula ciyaarto kooxda xilli ciyaareedkii hore soo gaadhay semi-finalka ee Barcelona.

Labada ciyaaryahan ayaa door muuqda ka qaatay iyadoo PSG ay ku guuleysatay Ligue 1, Coupe de France iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Doue uu dhaliyay islamarkaana loo magacaabay ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulankii ay 5-0 kaga badiyeen Inter Milan finalka Yurub.

Ka dib waxaa loo magacaabay kooxda Uefa ee tartanka.

Dembele waa mid ka mid ah kuwa ugu cadcad ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or, iyadoo xaflada ay dhaceyso 21-ka September.

PSG ayaa xilli ciyaareedkeeda horyaalka ku bilaabatay seddex guul oo ay ka heshay seddex kulan, waxayna fadhisaa hogaanka horyaalka, iyadoo kulanka soo aadan ay la ciyaari doonto Lens ka dib fasaxa caalamiga ah.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan