Himilo – Cristian Romero ayaa beeniyay soo jeedinta ah in uu doonayay inuu ka tago Tottenham ka hor inta uusan u saxiixin qandaraas cusub oo waqti dheer ah loona magacaabin kabtanka kooxda bishii hore.
Romero wuxuu mustaqbalkiisa u hibeeyey kooxda ilaa 2029, isagoo qaatay calaamada hogaamineed ka dib markii Son Heung-min uu u dhaqaaqay kooxda MLS ee Los Angeles FC.
Waxa uu ku soo bilowday kulan kasta intii uu hogaaminayay tababaraha cusub ee Thomas Frank, isagoo ka caawiyay Spurs inay badiso seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League, waana markii ugu horeysay oo ay guul gaaraan tan iyo 2017-18 intii uu joogay Mauricio Pochettino.
Isagoo ka hadlayay ciyaarta ay Spurs ku soo laabanayso Champions League, kulanka Villarreal ee caawa, Romero wuxuu sheegay in wararka isaga la xiriirinaya Atletico Madrid ay yihiin waxba kama jiraan.
“Weligay ma dhihin waxaan doonayaa inaan ka tago kooxda, wax iga yimid ma jiraan, waa muhiim waxa ay yiraahdaan tababaraha iyo madaxweynaha,” Romero ayaa yiri.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkan, waa sida qoyskeyga oo kale, waan jeclahay maamulaha, waxaan jeclahay habka aan u shaqeyno, habka aan u tababarno.
Isagoo ugu biiray Spurs, markii hore amaah, uu kaga yimid Atalanta 2021, Romero wuxuu u adkaystay seddex olole oo koob la’aan ah ka hor inta uusan gacan ka geysanin guushii Europa League xilli ciyaareedkii hore.
Radio Himilo
