Israa’iil oo sii wada duqeymaha Gaza, xilli uuTrump ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah

Himilo – Ciidamada Israa’iil ayaa sii wadda duqeymaha ka socda Marinka Gaza, iyagoo dishay ugu yaraan shan Falastiiniyiin ah, oo ay ku jirto gabar yar, halka kuwo kale ay ku dhaawacmeen. Weerarradan ayaa dhacay iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo duqeymaha.

Trump ayaa sheegay in Hamas ay ogolaatay inay sii deyso maxaabiista Israa’iill sida uu soo jeediyay, isaga oo tilmaamay in ururku “u muuqdo mid diyaar u ah nabad waarta.” Si kastaba, ciidamada Israa’iil ayaa iska indha tirtay baaqiisa, waxayna duqeeyeen labo guri oo ku yaalla magaalada Gaza iyo xeryaha qaxootiga ee Nuseirat, sida ay sheegeen ilo caafimaad iyo dad goob joogayaal ah.

Duqeymaha cirka iyo madaafiicda  ayaa sidoo kale laga sii socda magaalada Gaza  iyo Khan Younis oo ku taalla koonfurta Gaza, iyadoo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo walxo qarxa oo lagu burburinayo dhismayaal rayid ah.

Tan iyo Oktoobar 2023, duqeymaha Israa’iil ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 66,300 Falastiiniyiin, kuwaas oo badankood ay ahaayeen haween iyo carruur. Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa marar badan ka digay in Gaza ay noqotay meel aan la degganaan karin, iyadoo gaajo iyo cudurro si xawli ah ugu faafayaan bulshada ku nool halkaas.

error: Copy lama Ogola Fadlan