Home / Arrimaha Bulshada / Maxay tahay sababta Nigeria dadkeeda ka dhigtay kuwa ugu cimri yar dunida?

Maxay tahay sababta Nigeria dadkeeda ka dhigtay kuwa ugu cimri yar dunida?

Himilo – Dadka reer Nigeria ayaa noqday kuwa ugu cimriga yar dadyowga dunida sida lagu sheegay xog ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Celceliska cimriga dadkooda waxaa lagu sheegay  wax ka yar 55 sano. Sooyaalka nololeed ee ragga ayaa celcelis ah 54.3 sano, halka dumarka ay yihiin 54.9 sano.

Nigeria waxay ka hoos martay dalalka Chad iyo Central African Republic. Khubarrada ayaa la xiriiriyay culeysyo ka jira hannaanka caafimaadka.

Culeysyadaas waxaa ka mid ah infakshannada, daryeel la’aan iyo shaqaalaha caafimaadka oo shaqo joojin sameeya.

Dhibaatooyinka kale, waxaa ka mid ah; saboolnimo, ammaan darro iyo wasaqowga hawada.

Dawladda iyo hoggaamiyaasha caalamka ayaa lagu booriyay inay arrintan wax ka qabtaan.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan