Himilo -Dowladda Lubnaan ayaa dammaanad ku sii daysay Hannibal Gaddafi, wiilka uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Muammar Gaddafi, kadib ku dhowaad toban sano oo uu xabsi ku jiray, sida uu xaqiijiyay qareenkiisa.
“Waan baxnay, waa xor,” ayuu yiri qareen Laurent Bayon, kadib markii la bixiyay dammaanad lacageed oo gaaraysa $900,000.
Hannibal Gaddafi, oo 49 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu qariyay xog ku saabsan wadaad Shiicada Lubnaan ah – Mussa Sadr – oo lagu waayay Liibiya 1978. Si kastaba, ninkan marnaba maxkamad laguma soo taagin arrintaas, isagoo ahaa laba sano jir xilligii Sadr la waayay.
Qareenkiisa ayaa sheegay in “lacagta dammaanadda la bixiyay subaxnimadii Isniinta,” isla markaana uu Gaddafi ugu dambeyn xorriyaddiisa helay, isagoo ku tilmaamay arrintaas “dhammaadka riyo xun oo socotay toban sano.”
Bishii October, garsoore Lubnaani ah ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo Gaddafi haddii uu bixiyo dammaanad dhan $11 milyan, hase yeeshee toddobaadkii hore ayaa lacagtaas laga dhigay $900,000 kadib racfaan ay gudbiyeen qareennadiisa.
Ilo garsoor oo Lubnaani ah ayaa xaqiijiyay in dammaanadda la bixiyay, ayna socoto dhameystirka habraacyadii lagu sii dayn lahaa.
Bayon ayaa sheegay in macmiilkiisu uu qorsheynayo inuu ka dhoofo Lubnaan, inkastoo aan la shaacin halka uu u socda, isagoo xusay in uu haysto baasaboorka Liibiya.
“Haddii Hannibal Gaddafi si sharci-darro ah loogu xannibi karo toban sano Lubnaan gudaheeda, waxay muujineysaa in nidaamka garsoorka uusan madax-bannaaneyn,” ayuu yiri Bayon. Wuxuuna intaas ku daray in sii deyntiisa ay calaamad u tahay soo celinta madax-bannaanida garsoorka ee hoos timaada xukuumadda dib-u-habeynta ee Lubnaan, oo la dhisay bishii Janaayo.
Mussa Sadr, oo ahaa aasaasihii dhaqdhaqaaqa Amal ee hadda xulufo la ah kooxda Hezbollah, ayaa la waayay isaga, kaaliyihiisii iyo suxufi xilli safar rasmi ah ay ku tageen Liibiya. Dowladda Beirut ayaa mas’uuliyadda maqnaanshahooda dusha ka saartay Muammar Gaddafi, hoggaamiyihii Liibiya ee la afgambiyay lana dilay 2011.
Tan iyo waqtigaas, xiriirka diblomaasiyadeed ee Liibiya iyo Lubnaan ayaa ahaa mid kacsan.
Hannibal Gaddafi, oo guursaday gabar Lubnaani ah Aline Skaf, ayaa ka cararay Liibiya markii kacdoonkii dalkaas uu bilowday, wuxuuna u gudbay Suuriya.
Balse bishii December 2015, koox hubaysan ayaa afduubtay, waxayna u dhiibeen ciidamada Lubnaan, kuwaas oo markii dambe ka soo furay afduubayaasha — markaas ayaa isaga xabsiga la dhigay, halkaas oo uu ku xirnaa ilaa hadda.
Radio Himilo
