Home / Arrimaha Bulshada / Indonesia oo diyaarisay 20,000 askari oo loo qorsheeyay howlgalka Qaza: Wasiirka Difaaca

Indonesia oo diyaarisay 20,000 askari oo loo qorsheeyay howlgalka Qaza: Wasiirka Difaaca

Himilo – Indonesia ayaa sheegtay inay diyaarisay 20,000 askari oo loo qorsheeyay in loo diro marinka Qaza, si ay uga qayb qaataan howlgal nabad-ilaalin ah, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Indonesia Sjafrie Sjamsoeddin Jimcihii, sida ay qortay warbaahinta dowladda ee Antara.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada la diyaariyay ay ka mid yihiin kooxo caafimaad iyo injineerro, isla markaana ay diyaar u yihiin in loo diro Qaza haddii la helo taageero caalami ah.

Wasiirka ayaa sheegay in Indonesia ay leedahay laba ikhtiyaar oo oggolaanshaha dirista ciidamada:

  1. In oggolaanshaha lagu helo Qaramada Midoobay (UN).

  2. In loo maro urur caalami ah oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Maraykanka, taas oo u baahan wadahadallo diblomaasiyadeed oo heer madaxweyne ah.

Wuxuu intaa ku daray in taageerada dalalka Carabta oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Urdun, Masar, Qadar iyo Imaaraadka, ay muhiim u tahay hirgelinta qorshahan, isaga oo xusay in sidoo kale loo baahan yahay ogolaanshaha Israa’iil.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan