Himilo – Madaxweynaha Malawi, Arthur Peter Mutharika, ayaa in musiibada abaarta ay gaartay 28-ka degmo iyo afarta magaalo ee dalka, halka markii hore ay ku koomnayd 11 degmo, kaddib abaar daba-dheeraatay oo sababatay cunno yari aad u daran, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah.
Justin Saidi, xoghayaha guud ee dowladda, ayaa sheegay in hubanti la’aanta cunnada ay gaartay “heer halis ah,” isla markaana warbixin uu soo saaray guddiga qiimeeya nuglaanta bulshada (MVAC) uu saadaaliyay in xaaladda cunnada ay sii xumaan doonto inta u dhexeysa Oktoobar 2025 ilaa Maarso 2026.
Qiyaastii 4 milyan oo qof ayaa hadda wajahaya heerar sare oo cunno yari ah, halka 8,000 oo qof ay ku jiraan xaalad halis ah oo u baahan gargaar degdeg ah, sida lagu sheegay xogaha gaajada.
Ururro badan iyo hay’ado caalami ah ayaa ku tilmaamay go’aanka kordhinta xaaladda musiibada mid “waqti ku habboon oo sax ah.”
Wilson Moleni, guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka (Dodma), ayaa u sheegay Anadolu in tallaabadani ay fursad u siinayso dalka in uu helo gargaar iyo agab dheeri ah oo lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
“Xaaladdu waxay u baahan tahay gargaar degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka. Kordhinta xaaladdan waa in ay dhiirrigelisaa bulshada caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha inay gurmad degdeg ah keenaan,” ayuu yiri Moleni.
Shanta sano ee la soo dhaafay, Malawi oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 22 milyan oo qof ayaa la tacaalaysay abaaro, duufaanno iyo roob la’aan soo noqnoqday, taas oo keentay cunno yari baahsan oo dalka ku habsatay.
Radio Himilo
