Home / Arrimaha Bulshada / WFP: 1.85 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa halis ugu jira nafaqo-darro

WFP: 1.85 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa halis ugu jira nafaqo-darro

Himilo – Ku dhawaad ​​rubuc ka mid ah dadka Soomaaliya ayaa wajahaya gaajo daran, iyadoo 1.85 milyan oo carruur ah oo ka yar shan sano ay halis ugu jiraan nafaqo-xumo ba’an, sida uu ka digay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).

Hay’adda WFP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saadaasha cimilada ee dalka Geeska Afrika ay weli mugdi ku jirto, iyadoo la filayo inay sii dheeraato  abaarta ka jirta dalka.

“Xaaladahan ayaa la filayaa inay sii xoojiyaan abaarta waqooyiga, carqaladeeyaan dadaallada soo kabashada ee koonfurta, ayna kordhiyaan khatarta ah in dalagga uu xumaado, xoolaha oo dhamaada, iyo biyo la’aanta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (UNOCHA) ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaha abaartu ay ka sii dareen gobollada waqooyi ayna ku faafaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Waxay sheegtay in xaaladdu ay si gaar ah u saamaysay gobollada Nugaal, Mudug, Bari, iyo Sanaag, kuwaas afar xilli oo isku xiga wajahay roob yari. “Malaayiin qof ayaa halis ugu jira inay gaajoodaan oo ay ka sii darto nafaqo-xumada sababtoo ah yaraanta maalgelinta,”.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in ku dhawaad ​​35,000 oo qof ay ku barakaceen qaybo ka mid ah gobolka Puntland, taas oo culeyska sii kordhinaysa.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan