Home / Cayaaro / Weeraryahanka Bayern Munich Diaz oo saddex kulan oo Champions League ah laga ganaaxay

Weeraryahanka Bayern Munich Diaz oo saddex kulan oo Champions League ah laga ganaaxay

Himilo – Luis Diaz ayaa seegi doona saddexda kulan ee soo socota ee Champions League ee Bayern Munich.

Vincent Kompany ayaa filayay in hal kulan oo ganaax ah lagu soo rogo Diaz, kaasoo casaan loo taagay ka dib markii uu si xun u dhaawacay Achraf Hakimi oo ka tirsan Paris Saint-Germain ciyaartii ugu dambeysay ee Bayern ee tartanka 4-tii November.

Si kastaba ha ahaatee, Diaz, oo laba gool ka dhaliyay PSG ka hor kaarkiisa cas, ayaa  ganaax saddex kulan ah kusoo rogtay UEFA.

Diaz hadda wuxuu seegi doonaa kulamada Bayern ee ay la ciyaarayaan Arsenal, Sporting CP iyo Union Saint-Gilloise.Wuxuu awoodi doonaa inuu ka soo muuqdo kulanka ugu dambeeya  oo ay la ciyaarayaan PSV Janaayo 28.

“Macluumaadkaygu waa in ganaax hal kulan ah la saaray,” Kompany ayaa Jimcihii yiri, ka hor kulanka Bundesliga ee Bayern ay la ciyaareyso Freiburg.

“Aad ayaan uga niyad jabi lahaa haddii ay soo baxdo in macluumaadkaygu uusan sax ahayn.”

Diaz wuxuu horey u dhaliyay 11 gool wuxuuna caawiyay shan 17 kulan oo uu u saftay Bayern xilli ciyaareedkan, tan iyo markii uu kaga soo biiray Liverpool xagaagii.

Waxa uu sidoo kale abuuray 31 fursadood, waxaana ka sarreeyay Michael Olise (33) iyo Joshua Kimmich (32) oo ka mid ah asxaabtiisa kooxda.

Bayern ayaa kaalinta koowaad kaga jirta kala sarreynta Champions League iyadoo ka mid ah saddex kooxood, oo ay weheliyaan Arsenal iyo Inter oo xilli ciyaareedkii hore ku guuleysatay, iyagoo leh 12 dhibcood.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan