Home / Arrimaha Bulshada / Malaysia oo qorshaynaysa inay carruurta ka yar 16 ka mamnuucdo isticmaalaan baraha bulshada

Malaysia oo qorshaynaysa inay carruurta ka yar 16 ka mamnuucdo isticmaalaan baraha bulshada

Himilo – Dowladda Malaysia ayaa sheegtay inay qorshaynayso in carruurta da’doodu ka yar tahay 16 sano laga xannibo furashada akoonnada baraha bulshada, iyada oo arrintan ku sababeeysay walaaca sii kordhaya ee ku saabsan amniga carruurta ee internetka.

Wasiirka Isgaarsiinta Fahmi Fadzil ayaa Axaddii sheegay in dowladda ay baarayso hababka ay Australia iyo dalal kale u maareeyaan xeerarka da’da ee internetka. Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in sannadka soo socda ay baraha bulshada u hoggaansami doonaan go’aanka dowladda ee mamnuucidda carruurta da’doodu ka yar tahay 16 jir.

Fadzil ayaa ku adkeystay in badbaadada carruurta ay tahay mudnaanta koowaad, isaga oo ku baaqay in dowladda, hay’adaha iyo waalidiinta ay door muhiim ah ka ciyaaraan ilaalinta internet ammaan ah oo si degdeg ah loo heli karo.

Malaysia ayaa sanadihii la soo dhaafay adkaysay kormeerka ay ku hayso adeegyada baraha bulshada, iyada oo la tacaaleysa falalka dembiyada internetka. Waxaa ka mid ah sharciyo cusub oo lagu farayo in baraha bulshada iyo adeegyada fariimaha ee leh in ka badan siddeed milyan oo isticmaale ay dalka ka helaan liisan, kuwaas oo dhaqan galay bishii Janaayo.

Xildhibaanno badan ayaa bishii Oktoobar taageeray qorshaha dowladda ee mamnuucidda carruurta ka yar 16 sano, iyaga oo ku baaqay in la sameeyo nidaam lagu hubinayo da’da isticmaalayaasha marka ay iska diiwaangelinayaan.

Sahan uu sameeyey Ipsos Malaysia Education Monitor 2025, oo la daabacay Sebteembar, ayaa muujiyey in 72% dadka reer Malaysia ay taageersan yihiin in la xaddido isticmaalka baraha bulshada ee carruurta.

Australia ayaa sidoo kale ku amartay Facebook, Instagram, TikTok iyo baraha kale inay ka saaraan isticmaalayaasha ka yar 16 sano laga bilaabo 10-ka Diseembar, haddii kale ay la kulmi doonaan ganaaxyo culus. Raysal Wasaaraha New Zealand Christopher Luxon ayaa isna diyaarinaya sharci la mid ah.

Dowladda Netherlands ayaa sanadkan kula talisay waalidiinta in carruurta ka yar 15 sano laga mamnuuco isticmaalka baraha sida TikTok iyo Snapchat.

Dhanka kale, shan dal oo ka tirsan Midowga Yurub — Denmark, France, Greece, Italy iyo Spain — ayaa tijaabinaya app cusub oo lagu ogaanayo da’da isticmaalaha si looga hortago in carruurtu galaan nuxur khatar ah oo internetka yaalla.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan