Home / Cayaaro / Xog ku saabsan tartanka qaramada Africa ee 2025 oo caawa furmaya

Xog ku saabsan tartanka qaramada Africa ee 2025 oo caawa furmaya

Himilo -Kooxaha ugu fiican kubadda cagta Afrika iyo xiddigaha ugu  magaca dheer ayaa ku sugan Morocco, halkaas oo koobka ugu weyn qaaradda uu ka baasmayo caawa iyadoo dalka martigelinaya ee Morocco uu la ciyaari doono Comoros ciyaarta furitaanka.

Ivory Coast waxay isku dayi doontaa inay difaacato koobkeedii ay ku guuleysteen 2023, halka Morocco, Masar iyo Senegal ay sidoo kale ka mid yihiin kuwa ugu cadcad tartanka.

Iyada oo ciyaartoy caan ah sida Mohamed Salah, Achraf Hakimi iyo Victor Osimhen ay ka soo muuqan doonaan.

Finalka waxaa la ciyaari doonaa Janaayo 18-keeda , taasoo calaamad u ah gabagabada tartanka 52-ka kulan.

Marxaladda Group-yada waxaa la dheelayaa 21 ilaa 31 December

Wareega 16-ka waxa uu dhacayaa Janaayo 3 ilaa 6-deeda

Wareegga Afar dhamaadka waxa la dheelayaa 9 iyo 10 January

Wareegga Afar dhamaadka: Janaayo 14-keeda

Kaalinta saddexaad ee tartanka playoff-ka waxaa la ciyaarayaa 17-ka January

Final-kana waxa uu dhici doonaa 18-ka January

Tartankan waxaa la filayay in la ciyaaro bisha June, laakiin taasi waxay isku aadeen Koobka Adduunka ee FIFA Club World Cup oo la ballaariyay oo 32 kooxood ka kooban, kaas oo lagu qabanayo  Mareykanka.

Morocco waxay martigelinaysaa AFCON oo ah markiisii 35-aad kaas oo ka dhacay sagaal goobood oo ku yaal lix magaalo.

Guinea ayaa markii hore loo qorsheeyay inay martigeliso tartankan, laakiin dalka Galbeedka Afrika, oo ka mid ah kuwa ugu saboolsan qaaradda, ayaa laga qaaday xuquuqda martigelinta sababo la xiriira walaac laga qabo diyaar garowgiisa.

Sanadkan 2025 wuxuu noqonayaa markii labaad ee Morocco ay martigeliso , iyadoo markii ugu horreysay ay marti galiyeen sanadkii 1988.

Lacagta abaalmarinta  loo bixinayo sanadkan ayaa weli la mid ah tii la bixiyay dhacdadii ugu dambeysay, iyadoo xulka ku guuleysta uu helayo $7 milyan, halka xulka kaalinta labaad galana uu qadanayo $4 milyan.

Guud ahaan abaalmarinta tartanka waa $32 milyan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan