Home / Habka-Nolosha / Dawladda Japan oo dhimaysa shaqaalaha ajaaniibta

Dawladda Japan oo dhimaysa shaqaalaha ajaaniibta

Himilo -Dowladda Japan ayaa sheegtay inay ka fiirsaneyso xaddididda tirada shaqaalaha ajnabiga ah ee ku salaysan nidaamkeeda cusub ee tababarka iyo shaqaaleysiinta, iyadoo la qorsheynayo inaysan ka badnaan 426,000 qof  tan iyo 2027.
Japan ayaa dib u eegis ku sameyneysa siyaasadaha la xiriira ajaanibta, kaddib amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, xilli bulshada Japan ay walaac ka qabto qulqulka muwaadiniinta ajnabiga ah.
Geesta kale, dalka ayaa wajahaya yaraanta xoogga shaqada sababo la xiriira gabowga bulshada.Nidaamka cusub ayaa dhiirrigelinaya in shaqaalaha ajnabiga ah ay noqdaan kuwo xirfad leh, taas oo u oggolaaneysa inay dalka ku nagaadaan muddo dheer kaddib marka ay shaqeeyaan saddex sano.
Guud ahaan, qorshuhu wuxuu tilmaamayaa in 1.23 milyan oo shaqaale ajnabi ah lagu qaabili doono barnaamijyada hadda jira iyo kuwa cusub. Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa inay ansixiyaan qorshahan bisha Janaayo, kaddib wadatashi.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan