Himilo – Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in Rodrygo Goes uu si guul leh u maray qalliin ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray jilibka.
“Ciyaaryahankeena Rodrygo ayaa qalliin lagu guuleystay lagu sameeyay si loo hagaajiyo seedaha hore ee jilibka iyo jeexdinta jilibka midig,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda.
“Qalliinka waxaa sameeyay Dr. Manuel Leyes iyadoo ay la joogeen kooxda Caafimaadka ee Real Madrid. Rodrygo wuxuu bilaabi doonaa baxnaanintiisa maalmaha soo socda.”
Rodrygo wuxuu dhaawac soo gaaray intii lagu jiray ciyaartii La Liga ee Real Madrid ay la ciyaartay Getafe usbuucii hore habeenkii uu soo laabtay ka dib bil uu ku maqnaa dhaawac hore.
Daqiiqado ka dib markii uu garoonka soo galay isagoo badal ku soo galay, ciyaaryahanka heerka caalami ee Brazil ayaa jilibka xanuun ka dareemay. Laakiin baaritaanno caafimaad ka dib, waxaa loo ogolaaday inuu sii wato ciyaarta ku dhawaad 30 daqiiqo ilaa dhamaadkii ciyaarta.
Wax yar ka dib markii la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac ACL, Rodrygo hadda waxaa qalliin lagu sameeyay si loo hagaajiyo maanta gelinkii hore.
Soo kabashadiisa mudada dheer ciyaaryahanka reer Brazil ayaanay u badnayn inuu mar kale ciyaaro sanadka 2026, waxaana la filayaa inuu maqnaado ku dhawaad sanad.