Gaari ku shaqeeya dhuxusha oo la soo saaray

Himilo – Ninkan gaarigiisa shidaal kuma shaqeeyo, taa beddelkeeda wuxuu ku shubayaa dhuxul, si uu u kaxeeyo.

Juan Carlos Pino, oo ah makaanik 56 jir ah oo u dhashay Cuba, ayaa sameeyay gaari ku shaqeeya dhuxul si uu uga gudbo caqabadda yaraanta shidaalka ee ka dhalatay cunaqabataynta Mareykanka ee dalkiisa.

Wuxuu wax ka beddelay gaarigiisa Fiat Polski oo la sameeyay 1980, isagoo isticmaalay agab duug ah oo uu dib u farsameeyay.

Pino wuxuu qalabkan ku sameeyay xaruntiisa shaqada ee Aguacate, oo ah tuulo ay ku nool yihiin qiyaastii 5,000 qof, kuna taalla meel 70 km dhanka bari ka xigta Havana. Tuuladan oo hore ugu caan ahayd warshad sonkor ah oo hadda xiran, maanta waxaa ku hareeraysan daaqa lo’da iyo goobaha dhagaxa laga qodo.

Gaarigiisu wuxuu gaari karaa xawaare dhan 70 km/saacaddii, wuxuuna jaray 85 km tijaabo ahaan.

Gudaha magaalada, Pino wuxuu noqday qof caan ah, dadka deegaanka ayaa isugu yimaada si ay sawirro ula galaan, qaarna way la yaaban yihiin, halka kuwo kalena ay weydiinayaan inuu iyagana mid u sameyn karo.

“Xaaladdan adag, tani waa doorashada ugu fiican ee aan haysanno,” ayuu yiri Pino, oo qorsheynaya inuu qorshaha xiga uu wax ka beddelo cagaf-cagaf. “Waxaan u baahanahay dhaqdhaqaaq, waxaan u baahanahay inaan beeraha tacbanno.”

Pino oo ah hal-abuure, wuxuu sheegay inuu muddo sannado ah ka fikirayay gaari ku shaqeeya dhuxul, fikraddana uu ka dhaxlay adeerkii oo dhintay. Wuxuu tilmaamay in dad kale oo reer Cuba ahi ay la soo xiriireen si ay talo uga helaan, oo ay ku jiraan milkiilayaal ku shaqeynaya matoor 50-kilowatt ah oo xaafad dhan koronto siiya.

Dad badan oo reer Cuba ah ayaa aad ula dhacay hal-abuurkiisa.
“Tani waa wax la yaab leh. Hadalba waa iga dhammaaday,” ayuu yiri Yurisbel Fonseca, oo 27 jir ah, kana degay mootadiisa si uu sawirro uga qaado gaariga ninkan.

Narvis Cruz, oo 53 jir ah, ayaa isna ku tilmaamay “hal-abuurka sannadka.”
Hadda, koronto la’aantu waa arrin caadi ah, shidaalkuna si adag ayaa loogu qaybiyaa suuqa madow, hal litir oo shidaal ah ayaa lagu iibinayaa $8, taas oo lix jeer ka badan qiimaha rasmiga ah.

Xaaladdu waxay ka sii dartay kadib markii Mareykanku uu meesha ka saaray madaxweynihii Venezuela Nicolás Maduro, taas oo jartay sahaydii shidaalka ee Venezuela, isla markaana hanjabaad ku soo rogtay dal kasta oo Cuba shidaal siiya.

Yaraanta shidaalka iyo koronto la’aanta joogtada ah ayaa ku khasabtay dad badan oo reer Cuba ah inay raadiyaan xalal cusub.

error: Copy lama Ogola Fadlan