Himilo – Daraasad cusub oo laga sameeyay Japan ayaa muujisay in ku dhowaad 7% carruurta iyo dhalinyarada da’doodu u dhexeyso 10 ilaa 19 sano loo arko inay si xad dhaaf ah ugu tiirsan yihiin isticmaalka baraha bulshada.
Cilmi-baaristan oo ay sameysay xarunta National Hospital Organization Kurihama Medical and Addiction Center ayaa sidoo kale sheegtay in kooxda da’daas ay yihiin kuwa ugu badan ee lagu arkay isticmaal xad-dhaaf ah.
Warbixintu waxay xustay in daraasado hore ay muujiyeen xiriir ka dhexeeya isticmaalka badan ee baraha bulshada iyo dhibaatooyin la xiriira caafimaadka maskaxda iyo falal dembiyeed ee carruurta. Arrintan ayaa kusoo beegantay iyadoo hay’adaha dowladda Japan ay ka doodayaan sidii wax looga qaban lahaa saameynta baraha bulshada ee dhalinyarada.
Sahankan oo la sameeyay bilihii Janaayo iyo Febraayo 2025 ayaa lagu wareystay 9,000 qof oo da’doodu u dhexeyso 10 ilaa 79 sano, lagana kala xulay 400 goobood oo dalka ah, iyadoo 4,650 qof ay jawaab bixiyeen.
Kuwa lagu tuhmay isticmaalka xad-dhaafka ah, 30% waxay sheegeen inay maalmaha shaqada internetka ku qaataan lix saacadood ama ka badan, halka 62% ay sidaas sameeyaan maalmaha fasaxa.
Xarunta daraasadda sameysay ayaa waalidiinta ku boorrisay inay carruurta u dejiyaan xeerar cad oo ku saabsan isticmaalka taleefannada casriga ah, si loo yareeyo halista qabatinka baraha bulshada.