10 dal oo u yeeray wakiillada Israa’iil kadib muuqaal lagu dhibaataynayo sama-falayaal u socday Gaza

Himilo – Toban dal, oo ay ku jiraan toddobo dal oo Yurub ah, ayaa u yeeray safiirrada iyo wakiillada Israa’iil si ay uga cabtaan muuqaal muujinaya sida loola dhaqmay sama-falayaal saarnaa markab gargaar u waday Gaza.

Muuqaalka ayaa waxaa baahiyay Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil Itamar Ben-Gvir, kaas oo lagu arkayay isagoo ku jees-jeesaya sama-falayaal Falastiin taageersan oo ay ciidamada Israa’iil ku xireen biyaha caalamiga ah. Dadka la xiray ayaa gacmaha laga xiray laguna khasbay inay jilba joogsadaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa weeraray maraakiibta gargaarka ee Global Sumud Flotilla, iyagoo xiray dhammaan dadkii saarnaa. Kolonyadaasi oo waday gargaar bani’aadamnimo ayaa waxaa saarnaa 428 qof oo ka kala socday 44 dal, waxayna ka ambabaxeen degmada Marmaris ee Turkiga si ay u jebiyaan go’doominta Gaza.

Dalalka Talyaaniga, Poland, Spain, Faransiiska, Belgium, Netherlands, Portugal, New Zealand, Australia iyo Canada ayaa si rasmi ah uga muujiyay caro iyo cambaareyn dhacdadaasi la xiriira, iyagoo qaarkood dalbaday in la sii daayo muwaadiniintooda la xiray.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaasi ayaa ku tilmaamay muuqaalka iyo hab-dhaqanka Ben-Gvir mid “bahdilaad ah”, “aan bani’aadamnimo ahayn oo aan la aqbali karin”, waxayna Israa’iil ka dalbadeen sharaxaad iyo dammaanad ku saabsan badqabka dadka la xiray.

error: Copy lama Ogola Fadlan