Maxkamad caalami ah oo xukuntay in UK aysan magdhow siinayn Rwanda

Himilo – Maxkamad fadhigeedu yahay Hague ayaa go’aamisay in Dowladda Ingiriiska aysan ku qasbanayn inay Rwanda siiso malaayiin doollar oo la xiriira heshiiskii fashilmay ee lagu masaafurinayay magangelyo-doonka sida sharci darrada ah ku galay Britain.

Qorshahan muranka dhaliyay, oo ay dejisay dowladdii hore ee muxaafidka ahayd ee UK, ayaa ahaa in muhaajiriinta sharci darrada ku soo gala Britain loo wareejiyo Rwanda. Si kastaba, qorshahaas ayaa la kulmay caqabado sharci iyo siyaasadeed, waxaana ugu dambeyn sharci-darro ku tilmaantay maxkamadda sare Ingiriiska.

Rwanda ayaa dacwad ku dalbatay in ka badan 130 milyan oo doollar, iyadoo ku dooday in UK ay weli ku leedahay lacagihii heshiiska ku xusnaa. Hase yeeshee, maxkamaddu waxay go’aamisay in Britain aysan mas’uul ka ahayn kharashaadkii laba sano ee harsanaa, sidoo kalena way diidday laba dacwadood oo kale oo Rwanda gudbisay.

Afhayeenka dowladda Rwanda, ayaa sheegtay in dalkoodu ixtiraamayo go’aanka maxkamadda isla markaana uu u arko arrinta mid soo geba-geboowday. Dhanka kale, dowladda UK ayaa sheegtay inay hadda diiradda saarayso dib-u-habeyn lagu xoojinayo amniga xuduudaha, yareynta socdaalka sharci darrada ah, iyo kordhinta masaafurinta dadka aan sharci u lahayn inay dalka sii joogaan.

error: Copy lama Ogola Fadlan