Haween xabsi u galaya hilib ay kariyeen

Saddex haween muslimiin ah ayaa lagu xiray dalka India. Waxaa lagu eedeeyay inay karinayeen hilib lo’aad.

Booliska gobolka Uttar Pradesh oo ay xogtan laga soo weriyay ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnaayeen kaddibna xabsi u taxaabay.

Ciidamada hawl galka fuliyay ayaa sheegay inay guriga ka heleen hilib bisil iyo mid cayriin ah hadda lagu baaritaan inuu lo’ yahay iyo in kale.

Mid ka mid ah xeerarka gobolkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 240 milyan oo qof  ayaa mamnuucaya in qalidda iyo hilbka lo’da.

error: Copy lama Ogola Fadlan